عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The night journey [Al-Isra] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The night journey [Al-Isra] Ayah 111 Location Maccah Number 17

1. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Kan (waa Alle'e) ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka (Kacbada) xagga Masjidka shishe, ee aan barakaynay hareerahiisa [2], si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal (Alle) Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

2. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo aan uga yeelnay hanuun Ilmahii Israa’iil (Annagoo leh): Ha ka yeelannina cidaan Aniga (Alle) aheyn wakiil aad tala saarataan [3].

3. Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal (Nuux) wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan.

5. Markuu yimid wacadkii hore (kii koowaad), waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan (Jaaluut iyo ciidankiisa) oo ku daran dagaalka. Markaasay galoo baxeen oo xuleen guryihiinna dhexdooda, wuxuuna ahaa wacad la fuliyey [5].

6. Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Waxaana idinku taageernay maal iyo wiilal oo idinka dhignay ciidan tiro badan.

7. Haddaad samo fashaan, waxaad u sama fashaan uun nafahiinna, haddaad xumaan fashaanna (idinkay idiin daran tahay oo denbigaa) leh. Markuu wacadkii dambe (kii labaad) yimid (Waxaan soo dirnay cadowyadiinna Bukhtanassar iyo ciidankiisa) si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka Al-Aqsaa (ee Qudus ku yaal) siday markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kastoy awood u yeeshaan baabba' muuqda.

8. Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddaad tawbad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon (Ciqaabidda). Waxaana uga dhignay Jahannama gaalada gogol.

13. Qof walbaa waxaanu laasiminnay camalkiisa duula (khayr ama shar miduu yahayba) luquntiisa [7], Waxaana u soo saari Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi isagoo fidsan.

16. Markaan doonno inaan halaagno magaalo, Waxaan u dirnaa Amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay Alle adeecaan) markaasay ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka (cadaabka) oo aan burburinnaa burburin dhan.

18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah.

20. Dhammaan waan siinnaa deeq - kuwaan (dooni adduun) iyo sidoo kale kuwaa (dooni Aakhiro) - ka mid ah deeqda Rabbigaa. Ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban.

21. Fiiri, sidaan uga fadilnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), Aakhirada baana lagu sii kala derejo weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay.

22. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aadan u fadhiisan (cadaab dhexdi) adigoo dulleysan deyro ah.

24. U raarici ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.

26. Sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo socotada (go’doonsan), hana ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah [11].

28. Haddaad ka sii jeesato (kuwaa baahan ee dan yarta ah) adigoo filan Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, markaa kula hadal horaar san [12].

29. Ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada, hana wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan hadhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah.

30. Hubaal, Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka.

38. Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay.

41. Waxaan dhab ahaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso (gaalada) waxaan aheyn didmo.

42. Dheh: Hadday jiri lahaayeen ilaahyo kale (Alle ka sokow) sida ay leeyihiin, markaas waxay dooni lahaayeen jid ay kaga adkaadaan (Alle) Rabbiga Carshiga weyn [16].

43. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo (xumaan ka) hufan, kana sarreeya waxay sheegayaan sarreyn weyn.

49. Waxayna (gaaladu) yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boodh carro ah, miyaa nala sooo bixin abuur cusub ahaan?

53. Ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa is nac, kala fogaansho iyo is af garan waa’. Shaydaanna aadmiga abad waa u cadow cad.

54. Rabbigiin baa aad idin yaqaan, hadduu doono, wuu idiin naxariisan, ama hadduu doono, wuu idin cadaabi, kuugumana aanu soo dirin 'Nabiyow' inaad wakiil ka ahaato.

56. Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan (baridaan Alle) Sokadi [18], ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale).

57. Kuwaas ay baryaan (caabudaan), iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood [19]– koodii ugu dhowaansho badnaan - waxayna rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabkii- sa. Cadaabka Rabbigaana waa wax laga digtoonaado.

61. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo?.

62. (Ibliis) wuxuu yiri: Bal ka warran, kan aad iga sharaftay, haddaad dib ii dhigto ( dhimashadeyda) ilaa Maalinta Qiyaama- ha, waxaan bishin tuuri oo ku xiri dacay aan ku hoggaamiyo (waana ka adkaan oo dhumin) ubadkiisa dhammaan wax yar ma’ahee.

64. Ku duufso waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga [21], oo u soo kulmi ciidammadaada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka [22] iyo awlaadda [23], una yabooh (ballamo been ah), umase yabooho shaydaanku waxaan dhagar aheyn.

68. Ma waxaad aamin ka tihiin inuu idinla gooyo dhinac dhulka ka mid ah, ama idin ku soo diro dabeyl daran oo quruurux wadata? markaas, ma heleysaan wax idinka dhowra (cadaabka).

71. (Xusuuso) Maalintaan u yeedhi dad walbaa isagoo imaamkoodii [24] la jiro. Markaas mid kastoo lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig, kuwaa baa akhriyi Kitaabkooda (iyagoo faraxsan) lagamana dulmiyo wax le’eg xuub timireedna.

72. Qofkii ku indha la’ tani (adduunka oo xaqa ka beyra), wuxuu ahaan mid indha la’ Aakhirada, oo ka sii habowsan Jidka.

73. Waxay u dhowaadeen (gaaladu) inay kaa jeediyaan waxaan kuu soo waxyoonnay (Qur’aanka) si aad noogu been abuurato waxaan isaga ahayn, markaasna waxay kaa yeelan lahaayeen saaxiib gaar ah.

75. Markaas waxaan ku dhadhansiin lahayn (cadaab) laban laab ah noloshan iyo (cadaab) labanlaab ah dhimashada kaddib, mana hesheen wax nooga kaa gargaara.

78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto [26] ilaa mugdiga habeenka [27] oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore [28]; hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro [29].

79. Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud (salaatu leyl), salaad dheeri kuu ah aan faral ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo meeqaan sharaf iyo ammaan leh [30].

83. Markaan u nicmeyno aadmiga (waa gaalka) wuu jeestaa (Xaqa ka fogaadaa) oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. markay taabatona dhibaato wuu quustaa.

84. Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba siday tahay asluubtiisa, Rabbigiin baana aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka (Toosan ee Islaamka).

100. Dheh: Haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Rabbigay, markaas waad ceshan lahaydeen baqe aad ka qabtaan inaad bixisaan (oo idinka le'do maalka), aadmiguna waa masuug badan yahay (qofuu Alle iimaan ku dhowro maahee).

102. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa ogtahay in aanay soo dejinin kuwani cidaan ahayn Rabbiga samooyinka iyo arlada xujooyin cad ahaan. Anna waxaan kuu maleyn Fircoonow inaad tahay mid loo qoray halaag.

104. Waxaana ku nidhi Ilmihii Israa’iil (Fircoon) kadambow: Dega dhulka 'Shaam', markase uu yimaado yabooha nolosha dambe (ee Qiyaamaha) inuu fulo. Waxaan idin keeni dhammaan (banka Qiyaamaha si la idiinla xisaabtamo).

105. Xaq baana (Qur’aanka) ku soo dejinnay, Xaq buuna ku soo degay [35]. Kuumana aanu soo dirin (Nabiyow) waxaan aheyn inaad ahaato bishaareeye iyo dige ahaan.

106. Waana Qur’aan aan u soo dejinnay qayb qayb, si aad ugu akhrido dadka aayar. Waxaana u soo dejinnay heerar kala duwan soo dejin dhan.

108. Waxayna yidhaahdaan: Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbigeen oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan)! Ballan qaadka Rabbigayo waa mid fula.

109. Waxay 'dhulka' ula dhacaan gadhadhkooda 'iyo wejiyadooda' iyagoo ooyaya, wuxuuna u kordhiyaa (Qur’aanku) khushuuc.

110. Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah.

111. Dheh: Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga (iyo maamulka uunka), oo aan (u baahneyn inuu yeesho) gargaare tabar yari darteed, ee weynee weyneyn dhan.