عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Standard [Al-Furqan] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Standard [Al-Furqan] Ayah 77 Location Maccah Number 25

1. Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan [1] addoonkiisa [2] si uu ugu noqdo caalamka dige.

2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u qaddaray si qiyaasan oo isku jaan go'an.

4. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen. Waxay dhab ahaan la yimaadeen gef iyo been abuur.”

5. Waxay yidhaahdeen: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba.

6. (Nabiyow) dheh: “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

7. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?

8. “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”

10. Waxaa barako iyo khayr badan Kan (Alle) ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda).

15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.

16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa [6].

17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”

18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay.

19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida [7] oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.

22. Maalinta ay arki malaa’igta [8] uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan: “Waa wax idinka xarriman 'jannada' oo gebigeedaba idinka reebban [9].

23. Waxaanu hor keeni [10] waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.

24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.

25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro "cad ka soo baxayaan' [11], lana soo dejin malaa’gta soo dejin.

27.Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka [12].

32. Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu waa si aan ugu sugno laabtaada [17], waxaana u soo Waxyoonnay oo kuugu akhrinnay qayb qayb si aayar ah iyo tartiib.

33. Ma jirtona dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan).

34. Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Islaamka).

38. Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass [18] iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.

39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid.

40. Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib 'oo la xisaabin' [19].

41. Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?

45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay [21].

46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar [22].

50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan [25], wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.

52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).

56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.

57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho Rabbigi xaggiisa waddo (ha samo falo)".

60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.

61. Waxaa khayr iyo barako badan Kan 'Alle' ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, yeelayna dhexdeeda nal 'qorrax' iyo dayax ifiya.

64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'.

71. Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.

72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).

75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare 'jannada gudaheeda' [30] samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.

77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen [31]. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma 'cadaabka' [32].