The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesTHE ANT [An-Naml] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah THE ANT [An-Naml] Ayah 93 Location Maccah Number 27
1. Daa Siin [1]. Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.
2. U ah hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.
4. Xaqiiq kuwaan rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda, waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda.
5. Kuwaa waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan.
6. Wuxuu adigu (Rasuul Allow) kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Mid Xakiim ah, wax kasta Ogsoon (Allaah).
7. (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war [2] ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah inaad kulaashaan.
8. Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Allaah, Rabbiga uumanka oo dhan.
9. “Muusow! Xaqiiq waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.
10. “Oo tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushu.
11. Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaan kaddib, Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
12. Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan (baras iyo) cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa. Xaqiiq, waa qolo fallaago ah.
13. Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen (Fircoon iyo qolodiisii), waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad.
14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.
15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.
16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba [3]. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.
17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.
18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.
19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli [4] Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda [5].
20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii [6], mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?
21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.
22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba [7] war la hubo.
23.Waxaan helay haweeney [8] xukumeysa, oo la siiyey wax walba 'oo mulki adduun ah' [9], waxayna leedahay Carshi Weyn.
24. Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Alle, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda (xun), oo ka duway Jidka (Toosan ee Islaamka), marka ma ay hanuunsana.
25. May u sujuudaan Alle ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba.
26. Allaah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn.
27. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada.
28. Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”.
29. Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.
30. Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.
31. Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah.
32. Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin [10].
33. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso.
34. Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan.
35. Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu.
36. Markii (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse idinku ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.
37. U celi iyaga, waxaan ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho.
38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”
39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.
40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah [11] wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca, hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.
41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn.
42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin.
43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah [12].
44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta [13], markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.
45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya [14].
46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta [15]? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?
47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti [16]; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”
48. Waxaa magaalada [17] ku sugnaa sagaal nin [18], ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.
49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow [19]: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.
50. Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.
51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.
52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.
53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida).
54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho [20] idinkoo arka [21]?
55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
56.Mase ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.
57. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (ee la halaagay).
58. Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
59. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Alle baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?
60. Mayee, (Alle baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga).
61. (Waxaa wanaagsan Alle ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, badankood garasho ma leh.
62. (Waxaa Wanaagsan Alle ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka [22]. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Yaraa intaad xusuusataan (oo waantowdaan).
63. (Waxaa wanaagsan Alle ee ah) Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabeylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada (oo la mid dhigaan).
64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.
65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Alle ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.
66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.
67. Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?
68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.
69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.
70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.
71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?
72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).
73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.
74. Xaqiiq Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.
75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad [23].
76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga warrami reer Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.
77. Xaqiiqna, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.
78. Hubaal Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
79. Ee talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.
80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah (Alle u hoggaansan).
82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda [24], Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.
83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.
84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?
85.Waxaa ku fuli Qowlkii 'Cadaabka' [25], dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.
86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).
87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.
88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
89. Qofkii la yimaada wanaag [26] wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin.
90. Qofkiise la yimaada xumaan [27] waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?
91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan [28] (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).
92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.
93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.