عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Spider [Al-Ankaboot] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Spider [Al-Ankaboot] Ayah 69 Location Maccah Number 29

1. Alif Laam-Miim [1].

2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?

5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi [3], ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idinka abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).

15. Markaasaan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo [6] 'digniin' ummadaha.

16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo ka cabsada (iskana jira xuma falka), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.

30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya.

31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada [9[ waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin (gar ma qaatayaal).

32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal 'cadaabka' [10].

33. Markay Rusushayadii 'malaa’igta ahayd' u timid Luud wuu ka murugooday [11], oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.

35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.

36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina arlada fasahaad.

37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.

45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.

47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee gartay) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada (macangagga ah).

50. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin (mucjisooyin) loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa uun xagga Alle, aniguse waxaan uun ahay dige cad.

52. Dheh: Alle baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo ku gaalooba Alle, waa kuwaa uun kuwa iyagu khasaari (ee ku dambeyn hoog iyo halaag).

54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.

55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen.

66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeysteen [17], wayse ogaan doonaan (cidhibteeda).

69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo). Oo Alle wuxuu la jiraa sama falayaasha.