عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Luqman [Luqman] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Luqman [Luqman] Ayah 34 Location Maccah Number 31

1. Alif Laam Miim [2].

2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan [3].

6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [4] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.

9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah. Alle waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.

11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.

14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga inuu (daryeelo oo) baarri u ahaadolabadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi Aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe.

15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cid kale cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan Aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen.

19. Raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, hoosna u dhig codkaaga. Hubaal, kan ugu xun codadka waa cida dameeraha.

22. Qofkii isu dhiiba isagoo dhan Alle (adeeca, baarri u ah) oo ah samo fale, wuxuu dhab ahaan qabsaday guntin adag (aan go'eyn - waa Tawxiidka). Alle baa loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil.

28. Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal, Alle waa Wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

31. Miyaadan ogeyn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Alle [7], si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyinkiisa? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Calaamooyin samir badane kastoo, mahad naq badan.

32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan [8]. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.