عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Coalition [Al-Ahzab] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Coalition [Al-Ahzab] Ayah 73 Location Maccah Number 33

4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale [2], kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen [3]. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).

5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu [4]. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.

8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda [7], Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.

14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana labo laabeeyeen wax yar mooyee.

18. Alle dhab ahaan waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba 'dadka jihaadka Jidka Alle' [12], iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya [13]; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee [14].

22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen [19], Alle iyo Rasuulkiisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.

23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.

26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka [20] ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.

32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal'kiinna' [23], si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin [24], ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.

37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay [28] adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' [29]. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.

42. Xurmad weyneeyana oo ka hufa (xumaan iyo nuqsaan) aroor iyo galabba.

43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna [33], malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.

44. Bariidadoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).

45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan [34].

46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.

50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.

52. Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Alle wuu u jeedaa wax walba.

53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda [35]. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.

57. Xaqiiq kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.

67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii [40], oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).