عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Those who set the ranks [As-Saaffat] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Those who set the ranks [As-Saaffat] Ayah 182 Location Maccah Number 37

Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.

Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.

Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' [1].

Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).

Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.

Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.

Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.

Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.

Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.

Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.

Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.

Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.

Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.

Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?

Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig [1].

Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.

Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka).

Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi.

Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).

Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.

Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).

Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).

Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.

Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.

Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.

Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?

Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).

Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).

Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.

Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).

Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).

Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).

Waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).

Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weyneyd (haraqii).

Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.

Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.

Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.

been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.

Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?

Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?

Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.

Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).

Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [1], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.

Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco).

Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).

Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.

Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq [1] _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.

Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).

Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .

Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.

Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)?

Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),

Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin [1].

Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).

Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).

Marka wuu la qori tuurtay [1], wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).

Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).

Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.

Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?

Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?

Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?

Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [1].

Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.

Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).

Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [1].

Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.

Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [1].

Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [1], marka way ogaan doonaan.

Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.

Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).

Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.