The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesSad [Sad] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah Sad [Sad] Ayah 88 Location Maccah Number 38
1. Saad1, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan2.
2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).
3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle).
4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.
5. Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh.
6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni (uu isku soo dubbariday Muxammad si uu idiin qabsado oo magac iyo sharaf ugu qaato).
7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.
8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga? Mayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.
9. Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?
10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga (samada hadday karaan)4.
11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo5 la jabin (lagana adkaan).
12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh6.
13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.
14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.
15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna7.
16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan .
18. Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba.
19. Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan 'Alle' ammaanka.
20. Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaanuna siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan.
21.Ma ku soo gaaray warka dood qabayaa- shii, markay Mixraabka ugu soo dhaceen.
22. U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).
23. Kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan ido ah, halkaan anigu leeyahay lax keliya. Wuxuuna yidhi: i sii iyadana, waana iga dood adkaaday.
24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday (Alle)8 isagoo tawbad keen ah.
25.Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada).
26. Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed.
27. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha gaalada. Ee hoog baa u sugnaaday gaalada xagga Naarta ah.
28. Mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta?
29. (Kani Qur'aanku) waa Kitaab aan kugu soo dejinnay (Nabiyow) barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa oo wax garadku ugu waantoobaan.
30. Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. Wuxuu ahaa mid Alle u soo noqda (oo tawbad keen badan).
31. (Xus) marka loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan markay taagan yihiin, dheereeya markay ordayaan -
32. Markaasuu wuxuu yidhi: Ma waxaan ka door biday maal adduunyo xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii.
33. Ii soo celiya, markaasuu wuxuu billaabay inuu ka masaxo addimmada iyo luquma(hooda)9.
34. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay Sulaymaan, oo ku tuurnay kursigiisii oogo, markaasuu u soo laabtay (Alle)10.
35. Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe.
36. Markaasaan u sakhirnay dabeysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba,
37. Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa iyo mid quusa.
38. Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado.
39. Kani waa siismadeenna ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan.
40. Wuxuu (Sulaymaan) ku leeyahay Agtayada dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Janno).
41. Xus addoonkayaga Ayyuub, markuu u dhawaaqay (baryey) Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay dhib iyo xanuun11.
42. (Waxaanu ku nidhi): Ku garaac (dhulka) lugtaada; tani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan.
43. Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka.
44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada12; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).
45. Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta).
46. Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro).
47. Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah.
48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta.
49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san.
50. Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda.
51. Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan).
52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah).
53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii.
55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun.
56. Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun.
58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah.
59. Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Waxay geli Naarta oo ku guban.
60. Waxay (raciyadii) ku odhan (madaxdoodii): Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday, ee u xumaa halkan fariisan guntii la degaa.
61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda.
62. Waxayna (madaxdii) odhan: Maxaanu u arki la'nahay niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka?13
63. Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?
64. Hubaal (arrin)kani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka.
65. Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).
66. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.
67. Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh.
68. Oo aad idinku ka jeedsataan.
69. Uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodayeen.
70. Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad.
71. (Xus) markuu Rabbigaa ku yidhi ma- laa’igta: Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo.
72. Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud.
73. Malaa’igtii way sujuudeen kulligood oo dhan.
74. Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo noqday gaal (abaal lahayn, fallaago ah).
75. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise isla sarreysaa?
76. (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.
77. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysan laga fogeeyey Naxariisteyda.
78. Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada).
79. (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha).
80. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin).
81. Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh.
82. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood.
83. Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada.
84. (Alle) wuxuu yidhi: Runtu waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye -
85. Waxaan hubaal ka buuxin Jahannama adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan.
86. Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (gaarsiinta Dhambaalkan), mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin).
87. Ma ahana (Qur’aankani) waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan.
88. Oo xaqiiq waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib14.