عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The victory [Al-Fath] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The victory [Al-Fath] Ayah 29 Location Madanah Number 48

8. Xaqiiq Annagaa (Alle) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba.

9. Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba.

14. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

18. Alle wuxuu ka raalli noqday mu’miniinta markay wacad u hiillin (diinta ah) ay kugula galeen geedka hoostiisa, Alle wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda (oo iimaan iyo daacadnimo ah), markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, kuna abaal mariyey guul dhow5.

23. Waa Hannaanka Alle ee dhab ahaan uga dhex jirey ummadahii hore ee tegay. Kama heleysid wax isbeddel ah Hannaanka iyo Hab raaca Alle.

24. Alle waa Kan idinka celiyey gac- mahooda iyo gacmahiinna togga Makka agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah). Alle waa Arkaha waxaad fashaan.

25. Waa iyaga kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca7. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogeyn, oo laga yaabo inaad wax yeeshaan, taasoo denbi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Alle wuu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Alle u geliyo Naxariistiisa cidduu doono. Haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan cadaabi laheyn kuwooda gaaloobay cadaab xanuun badan.

29. Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn (Janno) 10.