عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The winnowing winds [Adh-Dhariyat] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The winnowing winds [Adh-Dhariyat] Ayah 60 Location Maccah Number 51

1. Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya. 1

2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).

3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).

4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.

5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.

6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.

7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,

8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .

9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.

10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.

11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).

12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?

15. Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).

18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,

19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.

23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.

25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.

26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.

28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).

29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.

30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.

31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?

32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah3.

33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.

35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.

36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah5.

37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo6 kuwa (mu'miniinta) ka cabsada cadaabka xanuunka badan.

39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.

40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.

41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah7.

43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.

46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.

53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani9? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.

58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.

59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).

60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).