عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Mount Sinai [At-tur] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Mount Sinai [At-tur] Ayah 49 Location Maccah Number 52

Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].

Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.

Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [1].

Iyo saqafka la kor yeelay (samada).

Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [1].

Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -

Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).

Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):

Kuwa ka dhowrsada xumaha [1] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).

(Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).

Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).

Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.

Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle).

Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.

Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.

Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.

Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).

Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?

Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?

Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya [1] waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).

Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi' [1] badankooduse ma ay oga.

Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.