عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Star [An-Najm] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Star [An-Najm] Ayah 62 Location Maccah Number 53

1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.

2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.

4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.

5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.

6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay (waa Jabriil c.s.)2.

7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare3.

8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.

10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday4.

12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).

13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.

16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).

17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.

19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.

21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?

24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?

25. Mayee, Allaah baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.

31. Allaah baana iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).

33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).

34. Oo wax yar bixiyey8, inta kalena ceshaday.

37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.

38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).

39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).

42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.

46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.

47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).

53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay9 .

54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).

55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?

56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.

57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).

58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).

59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.

60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?

62. U sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).