عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Event, The Inevitable [Al-Waqia] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Event, The Inevitable [Al-Waqia] Ayah 96 Location Maccah Number 56

Hoos u dhigeysa (ehlu Naarka) kor u qaadeysa 'ehlu Jannaha' [1].

Kuwa u hor mara (Iimaanka iyo falashada camallada wanaagsan) iyagaa horreyn [1].

Waxay Ku sugnaan Beero barwaaqo ah gudahood (jannooyin).

(Ay geli) jameeco badan oo ah horraankii (ummadan iyo ummadaha kaleba).

Iyo in yar oo ka mid ah facyadii dambe [1].

Iyagoo ku sugnaan sariiro dahab lagu qurxiyey.

Waxaa u adeegi wiilal waaraya aanay da’ doorin, kuwaa oo kula wareegi doona,

Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo (khamri saafi ah) xagga il socota (Jannada).

Oo (ay u wehelin doonaan) xuurul cayn.

Kuwa ah Gacanta Midig, waayo kuwaa ah Gacanta Midig (ehlu Jannaha)?

(Waxay dhex ahaan) geedo gob aan qodax lahayn.

Iyo geedo Muus ah midho karooran.

iyo joodariyaal sare loo qaaday (oo sariiro saaran).

Waxaan Annaga (Alle ah) ka yeeli inay soo baxaan iyaga (haweenka Jannada) soo bixid gaar ah.

Gacalooyin (jecel nimankooda), isku wada da’ ah.

Oo ay leeyihiin kuwa ah Gacanta Midig.

Kuwo badan oo ka mid ah waa facyadii hore.

Kuwase ah Gacanta Bidix- waayo kuwaa ah Gacanta Bidix (ehlu Naarka)?

Waxay dhex ahaan hanfi kulul iyo biyo karkaraya.

Aan laheyn qabow iyo arag fiican midna.

Waxay ahaayeen taa horteed (adduunka) kuwo ku raaxeysta (xaaraan).

Sidoo kale miyaa aabbayaashayadii hore (la soo nooleyn)?

Waxaa hubaal loo soo kulmin wada jir madal Maalin la yaqaan (Qiyaamada).

Waxaad wax ka cuneysaan geed xun oo Zaqquum ah [1].

U cabbeysaan sida cabbidda geel asqoobay.

Kaasi waa waxa lagu soori (gaalada) Maalinta Abaal marinta (Qiyaamaha).

Annagaa (Alle ah) idin abuurnay, ee maxaad la rumeyn weydeen?

Ma u fiirsateen minada idinka timaadda (biyo bixiinna - shawada)?

Inaan idinku beddelno kuwa idinla mid ah oo aan idiin soo saarno (qaabab iyo suurado) aydaan garaneyn.

(idinkoo leh): Waa nala khasaariyey.

Haddaan doonno, Waxaan ka dhigeynaa jaan dhanaan oo milix ah (aan la dhami karin), ee maad ku shukridaan (Alle)?

Annaga (Alle ah) baa waxaynu ka dhignay xusuus; iyo waxay ku intifaacaan kuwa ku safra saxraha 'iyo qeyrkoodba' [1].

Ee xurmee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

Ku yaal Kitaab aad la dhowray (Looxa Maxfuudka).

Ma warkan (Qur’aanka) baad (gaaloy) u qaadataan wax fudud aan qiimo lahayn?

Idinkuna markaas aad u jeeddaan (qofka dhiman).

Annaguna (Alle ah Ogaal iyo Awood ahaan iyo malaa’igtayada) idiinka dhownahay, laakiinse aydaan arkayn.

Haddaad tihiin kuwo aan la soo bixineyn oo la xisaabineyn (Aakhirada).

Maxaad Ugu soo celin (weydeen) nafta (jirkeedii) haddaad run sheegeysaan?

Waxaa u ahaaday raaxo, reynreyn, reexaan udgoon iyo Janno barwaaqo ah.

Waxaa lagu sooryeen biyo kulul oo karaya.

Iyo ku gubasho Dabka aan dameyn ee ololka badan (Naarta).

Ee xurmee oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.