The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesExile [Al-Hashr] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah Exile [Al-Hashr] Ayah 24 Location Madanah Number 59
1. Waxaa xurma weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
2. Waa Kan ka saaray kuwaa gaaloobay ee ka mid ahaa Ehlu Kitaabka2 daarahooda kulmintii hore. Ma aydaan maleyneyn inay baxayaan, halka iyagu moodayeen inay dhufaysyadooda ka celinayaan Alle. Wuxuuse Alle uga yimid meel aysan marnaba filayn, kuna tuuray argagax quluubtooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahooda gacmahooda iyo gacmaha mu'miniinta, ee ku cibrad qaata kuwiinaan Indheer garadka ahow.
3. Haddaanu Alle u qaddarin guuritaanka, Wuxuu ku cadaabi lahaa adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin cadaab Naar ah.
4. Sidaas waxaa u sabab ah waxay colaadiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii colaadiyana Alle, hubaal Alle wuu daran yahay ciqaabkiisu.
5. Geed timreed kastoo aad goyseen ama aad ka tagteen iyadoo ku taagan jirriddeeda, waa Idanka Alle, iyo si uu u dufeeyo caasiyaasha.
6. Wixii (maal ah) Alle uga soo ceshay Rasuulkiiisa xaggooda (Yuhuuddii reer Nadheer) - uma aydaan qaadin duullaan aad ku dagaal gasheen fardo ama rakuub midna3, wuxuuse Alle ku sallidaa Rusushiisa cidduu doono. Alle wax walba wuu Karaa oo awood u leeyahay.
7. Wuxuu Alle uga soo celiyo Rasuulkiisa dadka magaalooyinka (dagaal la'aan)4, waxaa leh Allaah, Rasuulka, qaraabada dhow (ee Rasuulka)5, agoomaha, masaakiinta iyo tub ku joogga (socotada go'doonsan)6, si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood. Wuxuu Rasuulku (amar) idin (ku) siiyo qaata, wuxuu idinka reebona ka jooga, oo dhowra (amarrada) Alle. Hubaal, Alle wuu Daran yahay Ciqaabkiisu.
8. (Waxaa wax ku leh maalkaa) saboolka ka soo haajiray guryahooda iyo maalkooda iyagoo raadinaya Fadli xag Alle ah iyo raallinimodiisa7, una gargaaraya Alle iyo Rasuulkiisa: kuwan weeye kuwa ah run badnayaasha.
9. Kuwii (Ansaarta) degganaa Daarta (Madiina) ee (qaatay) Iimaanka ka hor (intaysan u soo hijroon walaalahood muhaajiriinta). Waxay jecel yihiin kuwaa u soo haajiray xaggooda, kamana helaan laabahooda wax u hanqal taag ah wax ka mid ah waxa (muhaajiriinta) la siiyey, waxayse ka hormariyaan (oo uga dooraan) nafahooda, inkastaba iyagu faqri ha hayee. Qofkii laga dhowro bakhaylnimada naftiisa, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
10. Kuwa yimaada (asxaabta Nabiga) kaddib waxay dhihi : Rabbigayow, Noo denbi dhaaf innaga iyo kuwaa walaalahayaga ah ee nooga horreeyey Iimaanka, hana u gelin quluubtayada wax naceyb ah kuwa (xaqa) rumeeyey. Rabbigayow! Waxaad tahay Turid Badane, Naxariis Badan.
11. Ma waadan arag kuwaa munaafiqiinta ah ee ku leh kuwaa walaalahood ah ee gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka: Haddii la idin saaro, waa idin la baxeynaa, mana jiro cid aan idiin maqleyno weligeed, haddii la idinla dagaallamana waan idiin soo hiillin. Alle baana ka Marag ah inay yihiin beenalayaal.
12. Haddii la saaro (Yuhuuddaa), marnaba (munaafiqiinta) lama baxayaan, haddii lala daggaalamana, marnaba uma soo hiillinayaan, hadday u soo hiilliyaanna dhabarkay jeedin, loomana gargaarayo.
13. Idinka (Mu'miniinta ah) cabsida ay idiinku hayaan (Yuhuuddaa iyo munaafiqiintaa) laabahooda baa ka daran tay ugu hayaan Alle. Sidaas waxaa ugu wacan waa qolo aan wax fahmin.
14. Idiinlama dirirayaan (Yuhuudda) qof ahaan inay ku jiraan maahee meelo dhufeysyo adag leh gudahood ama gidaarro 'iyo gawaari gaashaaman' gadaashood. Cadaawadda dhexdooda ah baa daran. Waxaad moodeysaa inay yihiin kuwo wada jira, quluubtoodu se waa qaybsan yihiin, arrinkaasi waxaa ugu wacan waa qolo aan garasho lahayn.
15. Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyey8. Waxay dhadhamiyeen cidhib xumadii arrinkooda, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
16. (Munaafiqiinta iyo gaaladaa xaalkoodu) waa sida Shaydaanka ku yidhaahda aadmiga: Gaalow. Markase uu gaaloobo, yidhaahda: Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsan Alle, Rabbiga uumanka.
17. Sidaa awgeed cidhibtooda waa inay ahaan Naarta gudaheed, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waana sidaas abaal marinta daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
18. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Dhowra (amarrada) Alle, naf walbana ha eegto waxay u hormarsatay berritoole (Qiyaamaha), kana dhowrsada xumaha. Hubaal Alle waa u xog ogaal waxaad fashaan.
19. Ha ahaannina sida kuwa hilmaamay Alle, Isna markaas uu hilmaansiiyey nafahooda (inay camal san u fashaan): kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha.
20. Ma sinna Ehlu-Naarka iyo Ehlu- Jannaha. Ehlu-Jannaha iyaga weeye kuwa ah liibaanayaasha.
21. Haddaan ku soo dejin laheyn Qur’aankan buur, waxaad arki lahayd buurtiyoo soo dhacaysa, la dillaacaysa cabsida iyo ka heybeysiga Alle darti. Waxaana u soo qaadannaa mataalladan dadka bal inay fekeraan.
22. Waa Allaah, uusan jirin ilaah kale (oo xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda. Waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
23. Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka8; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha9, Kor ka Ilaashaha, Adkaadaha, Kabaha, (Sandulleeyaha islaweynayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Alle wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oy wax la wadaajiyaan.
24. Alle waa Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isagaa leh Magacyada wanaagsan ee quruxda badan. Waxaa (Alle) Xurmo weyneeya oo ka hufa (xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.