The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesDivorce [At-Talaq] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah Divorce [At-Talaq] Ayah 12 Location Madanah Number 65
1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka2, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada (muddada ay sugayaan furitaanka kaddib3), dhowrana (amarrada) Alle, ee Rabbigiin ah, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub4.
2. Markay ku dhowaadaan (dhammaadka) ciddadooda la qabtay5, dib ugu soo ceshada si wanaagsan oo gar ah ama u kala taga si wanaagsan oo gar ah. Oo u gashada markhaati (kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan) labo caddaalad leh oo idinka mid ah (muslimiin ah) una toosiya maragga Alle darti. (Arrin)kaasi waa waano lagu waanin qof kastoo rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) Wuxuu u yeeli jid uu kaga baxo (dhibaato kasta).
3. Oo wuxuu ka siin risiq xagga (meel) uusan fileyn. Qofkii talo saarta Alle wuu ku filan yahay. Hubaal, Alle wuu fulaa muraadkiisa. Alle Wuxuu u yeelay wax walba qaddar iyo waqti go'an.
4. Kuwa ka mid ah haweenkiinna ee ka quustay xaydka (dhiigga caadada), haddaad shakideen, ciddadoodu waa seddex bilood, iyo kuwa (sidoo kale) aan weli helin xaydka. Kuwase uurka leh (haddii la furo) ciddadooda waa intay ka dhigaan culeysyadooda oo ka dhalaan6. Qofkii dhowra (amarrada) Alle (oo ka dhowrsada xumaha) wuxuu uga dhigi arrinkiisa wax u fudud.
5. Kaasi waa Amarka Alle uu idiin soo dejiyey. Qofkii dhowra (amarka) Alle wuxuu ka tiri xumaatooyinkiisa, oo siin ajar weyn.
6. Dejiya (haweenka ciddada ku jira) meeshaad deggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana dhibina si aad u gelisaan cidhiidhi7. Hadday leeyihiinna uur, masruufa intay ka dhigaan culeyskooda (dhalaan). Markaas hadday idiin nuujiyaan (ilmaha), siiya gunnadooda, oo is amra dhexdiinna sama falka, haddaad is khilaaftaanna mid kale ayaa u nuujin8.
7. Kan ladani wax ha ka bixiyo maalka loo waasiciyey. Kii ilaha ay wax ka soo galaan cidhiidhi yihiin, ha bixiyo wax ka mid ah wuxuu Alle siiyey. Alle kuma kallifo nafna wuxuusan siin. Alle wuxuu keeni faraj iyo fudayd dhibaatada kaddib.
8. Badanaa inta magaalo ku caasiday Amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, markaas aan ugu yeernay xisaab daran (adduunka), oo aan ku cadaabi cadaab adag (Aakhirada).
9. Oo dhadhamisay cidhib xumadii arrinkeeda, cidhibteedana ku dambeysey khasaaro.
10. Alle wuxuu u diyaariyey kuwaa cadaab daran. Ee dhowra (amarrada) Alle oo iska jira xumaha wax garadkow (Xaqa) rumeeyey. Wuxuu Alle idiin soo dejiyey Waano (Qur’aankan).
11. Rasuulna (wuu idiin soo diray) idiin akhriya Aayadaha Alle ee cad, si uu ugaga saaro kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mugdiyada xagga Nuurka; qofkiina rumeeya Alle oo sama fala, Wuxuu galin Jannooyin ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya waligood. Alle Waa uu wanaajiyey kaasi risiqa.
12. Alle waa Kan abuuray toddoba samood, arladana intaa oo kale (ka abuuray)9. Amarkiisa ka soo dego dhexdooda, si aad u ogaataan inuu Alle wax walba Karo iyo in Alle ku koobo wax walba ogaal.