عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Ascending stairways [Al-Maarij] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Ascending stairways [Al-Maarij] Ayah 44 Location Maccah Number 70

Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo' [1].

Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka).

Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.

Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.

Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,

Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.

Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).

Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.

Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.

Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).

Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.

Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.

Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).

Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;