عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Nooh [Nooh] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Nooh [Nooh] Ayah 28 Location Maccah Number 71

2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.

5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.

6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.

8. Haddana waxaan xaqiiq ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cad.

9. Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay [3].

10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.

14. Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).

17. Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).

18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub).

24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow.

27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay xaqiiq dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.

28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’.