عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The cloaked one [Al-Muddathir] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The cloaked one [Al-Muddathir] Ayah 56 Location Maccah Number 74

Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.

Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.

Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).

Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah.

(Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.

Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.

(Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;

Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.

Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.

Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.

Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;

Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.

Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).

Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.

Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).

Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.

Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,

Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.

Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.

Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).

Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).

Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?

Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan.

Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Alle).

Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano.

Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato.