عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The man [Al-Insan] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The man [Al-Insan] Ayah 31 Location Madanah Number 76

2. Waxaanu ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta2, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.

5. Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.

9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.

10. Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.

14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.

18.Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.

21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah.

22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.

23. Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.

27. Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).

31. Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.