عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The emissaries [Al-Mursalat] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The emissaries [Al-Mursalat] Ayah 50 Location Maccah Number 77

Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.

Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;

Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan [1].

Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;

Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.

Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.

Maalinta kala baxa (Qiyaamada).

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?

Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),

Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?