The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Overthrowing [At-Takwir] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah The Overthrowing [At-Takwir] Ayah 29 Location Maccah Number 81
1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),
2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),
3. Oo buuraha la rujiyo oo budo noqdaan.
4. Oo geela rimman1 la cidleeyo (oo laga hayaamo).
5. Dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).
6. Badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);
7. Nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii2;
8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,
9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?
10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.
11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,
12. Oo Naarta la huriyo.
13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.
14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).
15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).
16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).
17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).
18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).
19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).
20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,
21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.
22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.
23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).
24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.
25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).
26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?
27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.
28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).
29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.