The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Cleaving [AL-Infitar] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah The Cleaving [AL-Infitar] Ayah 19 Location Maccah Number 82
1. Markay samada dildillaacdo.
2. Markay xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.
3. Marka badaha laysku furo oo soo fatahaan.
4. Marka qabuuraha la soo qufo.
5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib marisay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).
6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?
7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?
8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.
9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).
10. Waxaana xaqiiq korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.
11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),
12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.
13. Hubaal, baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).
14. Oo hubaal xume falayaashu waxay ku sugnaan Naar ololaysa.
15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).
16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).
17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.