عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Sundering, Splitting Open [Al-Inshiqaq] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Sundering, Splitting Open [Al-Inshiqaq] Ayah 25 Location Maccah Number 84

1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).

2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;

4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,

5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo (wuxuu la kulmi qof walba camalkiisa).

6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi (natiijada camalkaaga khayr ama shar wuxuu yahayba Maalinta Qiyaamaha).

9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.

12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.

13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.

14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).

16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;

17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;

19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).

20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?

21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?

25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).