عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Sun [Ash-Shams] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Sun [Ash-Shams] Ayah 15 Location Maccah Number 91

1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).