The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe night [Al-Lail] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah The night [Al-Lail] Ayah 21 Location Maccah Number 92
1. Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).
2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);
3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.
4. Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.
5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).
6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):
7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).
8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).
9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).
10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);
11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.
12. Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,
13. Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba.
14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.
15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.
16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.
17. Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha).
18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.
19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.
20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.
21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.