The Noble Qur'an Encyclopedia
Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languagesThe Fig [At-Tin] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
Surah The Fig [At-Tin] Ayah 8 Location Maccah Number 95
Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].
Iyo Buurta Siinaay [1].
Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [1],
Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [1].
Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [1]?

